2283 Views

Xeer Muhiim ah Oo Mudo Lahadal Hayey Maanta lansixiyay

Xeer Muhiim ah Oo Mudo Lahadal Hayey Maanta lansixiyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 21 August 2017 – Golaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay xeerka Isgaarsiinta dalka oo dhawaan ay soo meel mariyeen Golaha shacabka.

40 Xildhibaan oo ka mid ah Golaha aqalka sare ayaa maanta xaadirtay fadhiga golaha waxaana codka siiyay 39 ka mid ah iyada oo uu sidaas ansax ku noqday.

Xildhibaannada Golaha aqalka sare ayaa markii la horgeeyay waxaa ay ku sameeyeen aqris, waxaana Guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullahi uu sheegay in Aqalka sare uusan fasax iyo Xaj midna geleyn ilaa laga ansixiyo xeerka aqalka sare ee Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa aad u daneynayay xeerkan,waxaana Markii ay Golaha shacabka meel mariyeen uu ka ocdsaday aqalka sare in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u meel mariyaan si uu isagana u saxiixo

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment