3693 Views

Sawiro:- Kulankii dhaxmaray Madaxweyne Farmaajo iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar

Sawiro:- Kulankii dhaxmaray Madaxweyne Farmaajo iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  22  August 2017 — Munaasabad ballaaran oo lagu soo dhaweynayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Max’ed C/llaahi Farmaajo iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa   xalay ka dhacday xarunta Jaamacadda Al-Azhar ee magaalaada Qaahira ee caasimadda dalka Masar.

QWaxaa goob joog ka ahaa munaasabadaasi oo ay soo qaban qaabisay safaaradda Soomaaliya ee Masar Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr C/qaasim Salaad Xasan, Wasiiro ku wehliyay safarka Madaxweynaha, Safiirka Soomaaliya ee Masar iyo jaaliyadda Soomaaliyeed.

Yuusuf Garaad Cumar oo ah Wasiirka arrimaha dibadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqey ardayda iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed ee kusugan dalka Masar in ay ka qeyb qaataan sidii dalkooda uu horumar u gaari lahaa.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr C/qaasim Salaad Xasan oo halkaasi ka hadlay ayaa ka sheekeeyay taariikhda soo jireenka ah ee xiriirka Soomaaliya iyo Masar, wuxuuna sheegay in xiriir qoto dheer uu ka dhexeeyo loona baahan yahay in la sii xoojiyo.

Mudane Max’ed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad dheer, wuxuuna Madaxweynaha Soomaaliya uu uga mahadceliyay Dowladda Masar sida wanaagsan oo ay u soo dhaweysay iyo jaaliyadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kula dardaarmay jaaliyadda Soomaaliyeed in kaalin ay ka qaataan horumarka dowladnimo ee ka socoda dalkooda hooyo, isagoona bogaadiyay dadaalkoodi horumarineed.

farmaajo-masar farmaajo-masar-1

f1 f2 f3 F5 f6 f7 f10 f11

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment