2793 Views

Sawiro:- Nicholas Kay oo loo magacaabay safiirka Britain u qaabilsan Afghanistan

Sawiro:- Nicholas Kay oo loo magacaabay safiirka Britain u qaabilsan Afghanistan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  22  August 2017 — Ergeygii hore ee Qaramada Midoobey u qaabilsanaa Soomaaliya Nicholas Kay ayaa loo magacaabay Safiirka Britain u qaabilsan dalka Afghanistan.

Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa shalay ka aqbalay waraaqihiisa aqoonsi ee danjirenimo, iyadoo safiirka cusub ee Britain si heer sare loogu soo dhoweeyay Madaxtooyada Kabul.

Nicholas Kay ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka Britain iyo Afghanistan, isagoo bogaadiyay xaalada dalkaas iyo is bedeladii dhacay, sanadihii uu ka maqnaa.

Mr Kay ayaa horay u soo noqday Isku duwaha UK u qaabilsan Koofurta Afghanistan, sidoo kale waxaa uu soo noqday Madaxa dib u dhiska Gobolka Helmand sanadihii 2006 iyo 2007-dii.

“Dib ugu soo laabashada Afghanistan, si aan u hoggaamiyo howlaha Safaaradda British waa mudnaan gaar ii ah, Afghanistan sare ayay u sii kaceysa iyo wayna soo kabaneysa, tani waxay u baahan tahay inaan sii wadno”ayuu yiri Danjire Nicholas Kay.

Waxaa uu balan qaaday inuu sii wado la shaqeynta Afghanistan, isagoo ka shaqeyn doono goobaha nabada iyo yareynta saboolnimada.

Nicholas Kay ayaa sanadihii 2013 illaa 2016 ahaa Ergeygii Qaramada Midoobey u qaabilsanaa Soomaaliya, waxaa uu ka soo qeyb qaatay howlo kala duwan, sida dhismihii dowlad goboleedka Jubbaland.

110 111 1112

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment