2415 Views

Sawiro:- Tababbar ku saabsan xiriirka deeq bixiyaasha oo ka furmay Muqdisho

Sawiro:- Tababbar ku saabsan xiriirka deeq bixiyaasha oo ka furmay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  22  August 2017 —Tababbarka ayaa ku saabsan xiriirka deeqa bixiyeyaasha dowladda Soomaaliya kaasi oo loo qabtay Wasaaradaha iyo Hey’addaha fuliya mashaariicda Bankiga Adduunka Soomaaliya ku bixiyo, iyadoo furitaanka tababbarka ay goob joogka ahaayeen Wasiirka Warfaafinta, Wasiiru dowlaha Xafiiska RW, mas’uuliyiin Bankiga Adduunka ka socotay iyo xubno kale.

Puteri Watson oo ka tirsan Bankiga Adduunka oo halkaas ku soo bandhigtay warbixin ku aadan howlaha Bankiga Adduunka ka qabto Soomaaliya ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya isbedel balaaran ka sameysay hannaanka Maaliyadda dalka sanadihii u dambeeyay.

Tababbarka oo labo maalin socon doona ayaa waxaa sharxay Cali Xaaji Aadan oo ah isku duba ridaha barnaamijyada Bankiga Adduunka ee Soomaliya oo sheegay in barnaamijkan uu wax badan ku soo kordhin doono hanaanka ay u shaqeeyaan hay’adaha dowladda.

Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Xaamud ayaa dhankiisa xusay in dowladda ay ka go’an tahay helidda hannaan Maaliyadeed oo lagu kalsoon yahay.

C/raxmaan Cumar Cismaan Eng. Yariisow Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya oo furitaanka tababbarkan ka hadlay ayaa u mahadceliyay hey’adihii ka shaqeeyay in Soomaaliya ay noqoto dal la aamini karo hanaankiisa maaliyadeed.

1 2 3 4 5

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment