2748 Views

Sawiro:- Xil wareejin ka dhacaday Baydhabo

Sawiro:- Xil wareejin ka dhacaday Baydhabo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  22  August 2017 — Xaflada Xilka ay ku kala wereegayeen Wasiirkii hore Maaliyada Maamulka KG  Soomaaliya Sheekh Xasan Ibraahim Lugbuur Iyo Wasiirka Cusub ee Dhawaan loo soo magacaabay Wasaarada Maaliyadda C/raxamaan Ibraahim Aadan Sate Waxaa ay Ka dhacday Guddaha Bangiga Ganacasiga KG ee Magaalada Baydhabo.

Waxaana ka soo qeybgaley Xaflada Xilwareejinta Ku simaha Madahaweynaha KG,  Gudoomiyaha G/Baay, Shaqaalaha Wasaarada Maaliyadda, Xantidhawrka Xisaabiyaha KG.

Wasiirki Hore Ee Wasaarada Maaliyada KG Sheekh Xasan Ibraahim Lugbuur oo Ugu horeen Goobta ka hadlay Ayaa sigaar ah uga mahad celiyey Shaqaalaha wasaaradda oo uu sheegay in si hagar la, aan ah ay ula shaqeeyeen in tii uu wasaarada Joogay.

C/raxamaan Ibraahim Aadan Sate Wasiirka Cusub ee wasaaradda Maaliyadda KG ayaa dhankiisa umahad celiyey Wasiirkii hore ee Wasaaradd maaliyada ee maanta ku wareejiyay Wasaardda Waxaan la wareegay Wasaaradd shaqeynaysa oo ay joogaan shaqaale u taagan horumarinta Dalka.

Ku simaha Madahaweynaha KG Soomaaliya Axamed Xasan Fiqi oo Gabagabadii Munaasabada Ka hadlay ayaa Kula dardaarmay Wasiirka cusub in uu ku dadaalo sidii loo heli lahaa hanaan maaliyadeed oo lagu kal soonaan karo.

01

02

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment