2289 Views

Xildhibaanada aqalka sare oo Xukuumadda ku taageeray go’aankii Hirshabeelle

Xildhibaanada  aqalka sare oo Xukuumadda ku taageeray go’aankii Hirshabeelle
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  22  August 2017 — Golaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa Xukuumadda Federaalka ah ku taageeray go’aankii ay dhawaan ka qaadatay khilaafkii Siyaasadeed ee ka jiray Maamulka Hirshabeelle, kaas oo horseeday in xilka qaadis lagu sameeyo Madaxweynihii maamulkaas Cali Cabdullahi Cosoble.

Fadhiga Golaha aqalka sare ayaa waxaa soo xaadirtay 30 Xildhibaan, iyada oo uu sidaas ku furmay, waxaana Xubnaha aqalka sare ay maanta warbixin arrintaas la xiriirta ka dhegeysteen Guddiyada amniga iyo arrimaha gudaha Golaha Aqalka sare.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka Soomalaiya Cabdi Faarax Juxa, oo aqalka sare hortagay Sabtigii ayaa Guddiyada amniga iyo Arrimaha gudaha aqalka sare uga xog warramay go’aanka Xukuumadda iyo safarkii isaga iyo Wasiir amniga ku tageen Jowhar.

Maanta ayey Golaha shacabka labada Guddi ka dhegeysteen warbixintii uu wasiirku siiyay waxaana intaas kaddib Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi uu codgeliyay in goluhu raaco xukuumadda iyo in kale, sidaas ayeyna dhamaan XIldhibaannadii fadhiyay ku taageereen go’aanka Xukuumadda ee lagu dhameynayay khilaafkii Siyaasadeed ee Hirshabeelle.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment