2391 Views

Xukuumada Soomaaliya oo beesha calamka dhaliil xoogan u dirtay

Xukuumada Soomaaliya oo beesha calamka dhaliil xoogan u dirtay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  22  August 2017 — Wasiirka Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib uheshiisnta Soomaaliya C/Faarax SIciid Juxaa o ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa dhaliil ujediyay Beesha Caalamka eek u dhex shaqeeya Xerada ugu AMisom ee Xalane.

Wasiir Juxa waxa uu sheegay in amniga Magaalooyinka dalka ee Dowladda haatan gacanta ay ku heyso uu yahay mid la isku haleyn karo oo Ajaanibta ay ku shaqeyn karaan hadii ay ka Go’antahay

Waxa uu sidoo kale soo qaatay Howsha ka socoto Xalane oo uu tilmaamay iney ku adkaaneyso galisteeda qofka muwaadinka ah xitaa isagoo Wasiir ah uusan awood uleheyn inuu iska Galo.

Wasiir Juxa oo Kismaayo uga qeyb gelayay  daah furka shirka dhismaha golaha degaanka Jubaland ayaa beesha Caalamka ugu baaqay in ay ku shaqeeyaan Magaalooyinka dalka ee kala duwan,halkii ay Xalane ku shaqeyn lahaayeen.

Hay’adaha Beesha Caalamka iyo Safaaradaha ayaa intooda badan ku shaqeeya Gudaha Xerada Xalane oo ah saldhigga ugu weyn AMISOM ee Soomaaliya,waana goob ay ku dhibbanyihiin geliddeeda muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee aan shacab iyo dowlad loo kala soocin.

Qaar ka mid ah Wasiirrada Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer cabasho ka muujiyay qaabka Ciidamada AMISOM ay ula dhaqmaan Wasiirrada marka ay gelayaan Xalane.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment