2706 Views

Golaha Wakiillada Somaliland oo maanta kala cadeynaya guddoonka saxda ah

Golaha Wakiillada Somaliland oo maanta kala cadeynaya guddoonka saxda ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  23  August 2017 — Golaha wakiillada Maamulka Somaliland ayaa maanta la filayaa in ay kala caddeeyaan guddoomiyaha saxda ah ee Baarlamaanka Maamulka Somaliland oo doorashadiisii ay dhacday 6dii Bishan.

Doorashadaas waxaa ku tartamay Baashe Maxamed Faarax iyo C/Raxmaan Maxamed Talyanlle,waxaana guddigii doorashada ku dhawaaqeen in Baashe uu helay 39 halka Talyanlle ay shaaciyeen in uu helay 38 cod,sidaasna uu Baashe Guddoomiye ku yahay.

Xildhibaan Talyanlle ayaa sheegay in 39ka cod ee Guddigu siiyeen Baaashe uu isaga leeyahay sidaas darteedna uu yahay Guddoomiyaha Golaha wakiillada ee Maamulka Somaliland.

Intaas kaddib Maxkamadda sare ayuu Talyanlle u gudbiyay Dacwad ka dhan ah natiijada waxaana Maxkamaddu amartay in Golaha ay iyaga is xalliyaan ee aysan Maxkamadda sare gartooda galeyn.

Axaddii la soo dhaafay ayaa la filayay in la doorto guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Somaliland waxaana fadhigii xaadirtay 27 Xildhibaan,kaliya iyada oo uu Baashe oo shir guddoominayay sheegay in fadhigii uu Kooram la’aan u baaqday,Arbacada maanta ahna la isku soo laabanayo.

Maanta ayaa haddaba la filayaa in xildhibaannada go’aan ka gaaraan muranka u dhaxeeya Baashe iyo talyanlle,waxaana haddii ay isku afgartaan kaddib loo gudbi doonaan doorashada Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Somaliland.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment