2418 Views

Kulanka G.Wasiirrada Nigeria Oo Arin Cajiib Leh U Baaqaday

Kulanka G.Wasiirrada Nigeria Oo Arin Cajiib Leh U Baaqaday
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  23  August 2017 —Kulanka Golaha Wasiirrada Dalka Nigeria ayaa la baajiyay maanta kaddib markii Afhayeen u hadlay Madaxweyne Buhari uusan ka qeybgelin karin kulankaas.

Lataliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Nugeria Femi Adesina,ayaan sheegin sababta uu Madaxweynaha u baaqday waxaase la isla dhexmarayaa in sababtu tahay kaddib markii Qalabkii Xafiiska Madaxweynaha uu cunay Doolli ama Jiir,sidoo kalena ay shaqo gabeen Mukeyfyadii Xafiiska Madaxweynaha.

Warkooban oo ka soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in dib u habeyn lagu sameynayo xafiiska Madaxweynaha oo xirnaa saddexdii bilood ee uu ku maqnaa fasaxa Caafimaad ee Dalka Ingiriiska.

Dadka dhaliila Madaxweynaha oo hadda ah 74 jir ayaa sheegaya in xaaladdiisa Caafimaad oo liidata darteed uu Xafiiska tagi waayay,sidaasna ku qasabtay in uu Gurigiisa shaqada ka sii wado.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment