2205 Views

Qarax Xoogan oo ka dhacay Afghanistaan

Qarax Xoogan oo ka dhacay Afghanistaan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  23  August 2017 — Weerar ismiidaamin ah ayaa lagu dilay ugu yaraan shan qof oo rayid ah, 25 kalena waa ay ku dhaawacmeen koonfurta Afganistaan sida ay sheegeen ilaha Ammaanka dalkaasi.

Haween iyo carruur ayaa ka mid ah dadkii halkaasi ku dhintay, waxaana weerarka  sheegtay Kooxda Taliban.

“Qarax ismiidaamin ah ayaa ka dhacay meel u dhow xarunta bilayska ee Lashkar Gah,” ayuu yiri Omar Zhwak oo ah afhayeenka maamulka gobolka Helmand.

Carruurta dhaawacmay ayaa wax ka baranayay masaajid u dhow Meesha uu  qaraxu ka dhacay.

Ciidamada Booliska ayaa sidoo kale sheegay in ay suurtagal tahay in Khasaaraha uu intaasi kasii bato.

kooxda Taalibaan ayaa inta badan Qaraxyo ay waxyeelo kasoo gaarto dadka Shacabka ah la beegsada Xarumaha dowladda Afghanistaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment