2430 Views

RW Khayre oo la kulmay wakiilada beesha Caalamka

RW Khayre oo la kulmay wakiilada beesha Caalamka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 23, 2017 –  Shir uu isugu yeeray RW dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre xubnaha beesha caalamka ee kusuga dalka ayaa looga hadlaayay hirgelinta balan qaadyada at beesha caalamku u sameysay Soomaaliya iyo sidii at uga dhabeyn lahaayeen maadaama dowlada Soomaaliya uu saldhig u yahay isla xisaabta joogta ah ee labada dhinac.

RW dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xubnaha ka socday beesha caalamka oo isugu jiray safiiro, wakiilo metelayay Qaramada Midoobe, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ayaa soo bandhigay waxyaabihii u qabsoomay dowlada Federaalka Soomaaliya oo uu ka midyahay ansixinta xeerka Isgaarsiinta Qaranka iyo boqolaal dhalinyaro ah oo shaqo abuur loo sameeyay qorshahaasna lagu amray maamulka gobolka Benaadir.

Xubnihii ka socday Beesha caalamka ayaa soo dhaweeyey horumarka ka socda dalka ee dhanka siyaasada iyo amniga dowladana ku dhiiri geliyay hanaanka wanaagsan at wax u maamuleyso

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment