2448 Views

Sawiro:- Wasiir Xoosh oo lakulmay madax ka socotay UNDP iyo UNSOM

Sawiro:- Wasiir Xoosh oo lakulmay madax ka socotay UNDP iyo UNSOM
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 23, 2017 – Masuuliyiinta Sare ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, Wasiir Ku-Xigeenka Mudane Xuseen Cilmi, iyo Agaasimaha Guud Maxamed Abuukar Zubeeyr ayaa xarunta Wasaaradda kula kulmay Nahida Hussein, Hastings, iyo Hassan Ebrahim oo ka kala socday UNDP Soomaaliya iyo UNSOM.

Kulanka ayaa looga hadlay hawlaha muhiimka ah ee ay Wasaaradda wado iyo sidii UNDP ay u taageeri lahayd.

Wasiir Cabdi Xoosh oo ka hadlayay hawlaha ku saabsan Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka ayaa yiri “Waxa aan doneynaa in Geedi-socodka uu noqdo mid ay Soomaali hogaamineyso islamarkaana ay Soomaali leedahay, wixii taageera ah waan soo dhaweyneynaa waanan idinkaga mahadcelinaynaa sida aan kala go’a lahayn ee aad noo taageertaan”.

Sido kale, Wasiirku waxa uu sheegay in loo baahanyahay in Wasaaradda laga taageero sidii dhamaan deegaamada dalka loo gaarsiin lahaa Geedi-socodka.

“Arinta ugu muhiimsan waa in ololaha la gaarsiiyo dhamaan deeganada dalka si uu u noqodo mid ka qaybgalkiisu loo dhanyahay oo ugu dambeyn sal adag u dhiga Dastuur ay Soomaali leedahay oo dhameeystiran” ayuu yiri AVV Xoosh.

Dhankeeda, Nahida Hussein oo ahayd Madaxa Farsamada ee UNDP Soomaaliya ayaa aad u soo dhaweeysay hawlaha ay Wasaaradda wado.

Ugu dambay, Wasiirka ayaa uga mahadceliyay UNDP sida ay u taageereyso Wasaaradda.

d1 d2 d3 d4 d6

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment