3198 Views

Abuu Mansuur oo dalbaday in uu aas aaso urur cusub oo dagaal lagala Al-Shabaab

Abuu Mansuur oo dalbaday in uu aas aaso urur cusub oo dagaal lagala Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 24, 2017 – Wadahadallada dowladda Federaalka iyo Sh.Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa wali ka socda Magaalada Muqdisho,waxaana Wadaadkan uu ka biya diiday in Ciidamadiisa lagu daro kuwa dowladda tababarna la siiyo.

Kulan dhexmaray isaga iyo Ra’isalwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho,waxaana Abuu Mansuur uu dalbaday in dowladda ay ka caawiso dagaal uu la galo Al-shabaab.

Dowladda ayaa u soo jeedisay in Ciidamadiisa la qarameeyo,waxaaase uu taas beddelkeeda dalbaday in dagaalka Al-shabaab uu isaga kaliya ku filanyahay dowladdana ay ka caawiso hub uu kula dagaallamo Al-shabaab si uu uga saaro degaannada Baay iyo Bakool.

Abuu mansuur oo Hotel ku yaalla Muqdisho ay dejisay Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa in Ciidda kaddib uu dib ugu laabto degaanka Abal ee Gobolka Bakool halkaas oo uu la tashiyo la soo qaadanayo saraakiisha ciidankiisa.

Berri oo Jimco ah waxaa la filayaa in uu la kulmo Madaxweynaha SOomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo,waxaana kaddib la filayaa in uu ku laabto Abal.

Mukhtaar Rooboow Cali ABuu-Masnuur ayaa shalay wadahadalo Saacado badan qaatay la yeeshay Wasiirka Koowaad ee Xukuumada Somaliya Xasan Cali Kheyre iyadoo ay isla qaateen inta badan qodobadii laga wada hadlayay waloow la isku fahmi waayay dalabka Rooboow ee ah inuu gaar ahaantiisa ula dahaalamo Al-Shabaab oo Dowladda ufududeyso waxyaabaha uu ubaahdo.

Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Masnuur ayaa Maalin kahor ka soo kacay Qaliinka looga sameeyay kalida, waxaana laga soo saaray laba dhagax sida ay inoo sheegeen ilo lagu kalsoonyahay oo rooboow ka ag dhaw.

Wadaadkan 57 Sano jirka ah ayaa warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in Ciida kadib uu dib ugu laaban doono Deegaanka Abal ee Gobolka Bakool si uu ugala soo tashado qodobada ay usoo bandhigtay Dowladda Dhexe, uuna soo arko Shacabka Abal oo ay aad isugu dhow yihiin Abuu-Masnuur.

Abuu Mansuur waxaa uu soo jeediyay in uu sameysto urur diimeed cusub oo lagu magacaabo Xarakatul Islaam kulana dagaallamo Al-shabaab,kaas oo uu doonayo in ay dowladda Soomaaliya ku taageerto hubna ku siiso.

Waxaa uu sheegayaa in AL-shabaab uu kaligiis ku filanyahay,sidaas darteedna ay tahay in dowladdain ay ku garabsiiso oo kaliya dagaalkaas.

Laakiin Ra’islawasaare Xasan Cali Kheyre oo ay wadahadalkiisa dowladda u xil saartay ayaa sheegay in dowladda aysan qaadi Karin urur diimeed kale loona baahan yahay in Abuu Mansuur uu halakas uga tanaasulo Urur diimeed cusub.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment