2760 Views

Danjiraha Qadar ee Iiraan oo dib uguu noqonaya Tahraan.

Danjiraha Qadar ee Iiraan oo dib uguu noqonaya Tahraan.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 24, 2017 – Dowladda Qadar ayaa dabool qaadday in Safiirkeedii Iiraan oo tegeyo dhowaan magaalada Tehraan ee xarunta u  ah Iiraan, sidaas waxa lagu sheegay war murtiyeed ay soosaartay Wasaaraddaarrimaha dibadda ee Qadar.

War murtiyeedka wasaaradda arrimaha dibadda ee Qadar oo lagu daabacay Barta internetka ee Wasaarrada ayaa lagu sheegay in Qadar ay diyaar u tahay xoojinta xiiriirka ay leedahay jamhuuriyadda Iskaamiga ah ee Iiraan; iyada oo xoojita xiriirkaasi taabanayo dhammaan dhinacyada ay suuragalka tahay in ay ka wada shaqeeyaan labada dal.

Iiraan Deeq cunto ah ayay u dirtay Qadar.

Xukuumadda Tehraan; ayaa 5; diyaaradood oo sida cunto iyo qalab kale u dirtay Qadar; kadib markii dowladaha Khaliijka iyo kuwo kalaba ay ku dhawaaqeen in ay xiriirka u jareen Qadar; dolwadaha xiriirka u jaray Qadar waxa xagga hore uga jira boqortooyada Sucuudiga; oo tartan adag kula jirat Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan; marka la joogo bariga dhexe.

Sucuudiga oo adeegsanaya eedo ay kamid yihiin in Qadar maalgeliso ururada iyo shaqsiyaadka loogu yeero In ay argagixiso yihiin ayaa qaaday tallaabo xiriirka loogu jarayo Qadar;  taas oo ay taageereen dowladaha gacanka carbeed badankoodu, hayeeshee Qadar ayaa iska beenisay dhammaan eedeymaha loo soo jeediyey,

Dowladaha xiriirka u jarayQadar ayaa shuruud adag dul-dhigay Qadar; kuwaas oo ay kamid ahaayeen in la xiro xadka xudduudda Berriga, Badda iyo Hawda ee ka dhexeeya dowladaha Khiliijka Carabta iyo Qadar, xiriirka ay dowladahaasi u jareen Qadar waxa ka dhashay qalqal ku yimid waddanka Qadar, sida cuntada iyo Qalabka nadaafadda oo ay Qadar ka soo dhoosan jirtay.

2,700.000 (Laba milyan & Todobo boqol oo kun)Qof oo ah tirada muwaadiniinta Qadar ayay saameysay cunto yari guud oo taabatay Qadar; taas oo ka dhalatay cunaqabataynta waddamadacarabta Qaarkood ay saareen Qadar.

War duuban oo la sheegay in uu leeyahay Amiirka Qadar ayna baahisay wakaaladda wararka ee Qadar ayaa lagu sheegay in Amiirku ku baaqay in Qadar hagaajiso xiriirka ay la leedahay Tahraan, Balse Dooxa ayaa beenisay jiritaanka warkaas; iyada oo sheegtay in la jabsaday Webka Wakaaladda Wararka ee Qadar, iyada oo Burcadda internetka ay ka dambeeyeen arrintaas.

Waddanka Qadar ayaa danjirihiisii ka qaatay Iiraan bishii January ee sanadkii 2016; kadib weerar ay dad cabanayaa ku qaadeen Safaaradda Sucuudigu ku leeyahay magaalada Tehraan ee Iiraan, sidaas oo ay kalana Qadar waxa ay ka qaadatay Qadar xilligaas magaalada Mashhad ee Iiraan Qunsuliyaddeedii.

Muwaadiniin Iiraaniyiin ah oo ka cabanayey dilka Nimra Nimra; oo ahaa wadaad u dhashay Iiraan ayaa weerar ku qaaday xilligaas safaaradda Sucuudiga ee Iiraan; iyada oo taasina sababtay in dowlado ay kamid tahay Qadar ay la noqdaan safaaraddooda.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment