3306 Views

Sawiro:- Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya shir lagu marti qaaday madaxdii hore ee Qaaradda Afrika

Sawiro:- Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya shir lagu marti qaaday madaxdii  hore ee Qaaradda Afrika
____________________________________________________________________________

K/Africa  | QOL | August 24, 2017 – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya,Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa K/Afrika kaga qeybgalaya Shir weyne ay soo qaban qaabisay Hay”dda Thabo mbeki foundation,isla markaana looga hadlaayo qodobo dhowr ah oo ay kamid yihiin arimaha siyaasadda,kuwa bulshada iyo dhaqaalaha.

Shirweynahaasi oo ay ka qeybgalayaan  Hogaamiyaashii soo maray Qaaradda waxaa mudada uu socdo diiradda lagu saarayaa  sidii la isaga kaashan lahaa ka hortaga dhibaatooyinka soo wajaha Qaaradda ,gaar ahaan caqabadaha hor taagan nabadda,Dowlad wanaaga, dhowrista sharciga iyo Kaalinta ay Afrika kaga jirto nabadeynta  Caalamka.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay qeybaha Warbaahinta ayaa waxa uu  yiri” Dalkan South Africa waxaan u imid inaan ka qeybgalno Shir ay ka qeybagalayaan Madaxweynaashii hore ee Qaaradda Afrika iyo dad Waxgarad ah kaas  oo looga hadlayo hogaanka Qaaradda waxaana lagu wadagayaa waaya aragnimada.

Madaxweynihii hore Dowladda Federalka ee Soomaaliya oo maalinimadii shalay gaaray magaalada Johannseburg ee Dalka K/Afrika,  waxaa garoonka diyaaraha ee magaaladaadi  kusoo dhaweeyay madaxda Safaaradda Soomaaliyeed ee K/Afrika,qaar ka mid ah Waxgaradka iyo Ganacsatada Soomaalida  iyo Madax ka tirsan Dowladda K/Afrika.

Shirkan oo socon doona laba maalmood  ayaa waxaa ka qeybgalaya Madaxweynayaashii hore ee Dalalka South Africa,Tanzania,Tunisia,Nageria iyo kuwo kale.

m1 m3 m4 m7 m10

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | K/Africa 

__________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment