3096 Views

Dowladda Soomaaliya oo digniin ka soo saartay in loo dabaal tago Xeebaha

Dowladda Soomaaliya oo digniin ka soo saartay in loo dabaal tago Xeebaha
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 2, 2017 – Dowladda Soomaaliya ayaa shacabka uga digtay inay u dabaal degaan xeebaha dalka, xilliyada ay badda kacsan tahay, si aysan naftooda halis u gelin.

Kulan shalay Golaha Wasiirada ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay dad dhowr ah oo dhowaan ku dhintay xeebaha, kaddib markii iyagoo u dabaal degay ay baddu qaaday.

Maalin ka hor ayay aheyd markii meydka wiil yar ay soo tuftay badda, gaar ahaan agagaarka xeebaha Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Eng. C/raxmaan Yariisow ayaa sheegay in dadka looga digayo inay badda oo xilligan aad u kacsan inay u dabaal aadaan

Eng. Yariisow ayaa sheegay in la faray doomanka in shaqsi walba loo xiro Jaakada dabaasha, si aysan xilliyada baddu kacsan tahay aysan dadka doomanka saaran u qaadin.

Waxaa uu sheegay in ciidamada booliska inay ka soo diyaarinayaan warbixin la xiriira xaalada badda, isla markaana loo xil saaray inay ka hortagaan dadka naftooda ku biimeynaya badda, xilliyada qatarta ay jirto.

Maalmaha Khamiista iyo Jimcaha ayaa xeebta Liido iyo xeebaha kale ee ku dhow Muqdisho waxaa u damaashaad taga dad aad u fara badan oo Dhalinyaro ay u badan yihiin, waxaana mararka qaar dhacda Meydad ay soo tufto Badda, kuwaasoo u badan caruur.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment