3123 Views

Baarlamaanka Galmudug oo Goordhow ansixiyay Golaha Wasiirada Maamulkaas

Baarlamaanka Galmudug oo Goordhow ansixiyay Golaha Wasiirada Maamulkaas
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 26, 2017 –Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf,ayaa maanta xildhibaanada maamulkaas horgeeyay Golihiisa Wasiirada Cusub si ay u meel mariyaan.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ahaa Madaxweyne Xaaf,Gudoomiyaha barlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey iyo inta badan Golaha Wasiirada oo u badan Golihii hore ee uu ka tegay Cabdi Kariin Xuseen guuleed.

Waxaa kulanka ku sugnaa 57 Xildhibaan  52 ka mid ah ayaa ansixisay 5 waa ay diiday, mana jirin cid ka aamustay, waxaana guddoonka baarlamaanka Galmudug uu ku dhawaaqay in ay ansax yihiin Golaha wasiirada Galmudug.

Madaxweyne xaaf oo goobta ka hadlay ayaa isna u mahadceliyay Xildhibaanada Galmudug qaabka wanaagsan oo ay u ansixiyeen Golhiisa Wasiirada.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment