2547 Views

Kenya oo u sheegtay Siyaasiyiinta Mucaaradka inay u socdaali karaan Somaalia

Kenya oo u sheegtay Siyaasiyiinta Mucaaradka inay u socdaali karaan Somaalia
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 26, 2017 –Afhayeenka Madaxtooyadda Kenya, Eric Kiraithe ayaa hadalkaasi kusheegay Qoraal uu ugu jawaabayey hadal ka soo yeeray David Ndii oo ah Sarkaalka Arrimaha Istaraatijiyadda iyo Dhaqaalaha ugu qaabilsan Isbahaysiga Siyaasadeed ee The National Super Alliance (NASA) oo ay xafiltamaan Isbahaysiga Jubilee ee haya talada dalkaasi.

Afhayeenka waxa uu sheegay inuu David Ndii xor u yahay inuu u socdaalo Somalia, haddii uusan ku qanacsanayn Natiijadda ka soo baxda Doorashaddii Madaxtinimadda ee bishan August 8-dii ka dhacday dalka Kenya.

Waxa uu intaasi ku daray inay Ciiddanka Ammaanka qaadi doonaan Tallaabo kasta oo lagu cabsi gelinayo Deganaanshaha Kenya.

“ Xaq ayad u leedihiin Aragtida aad ka walaacsan tihiin. Waad
go’aansan kartaan inad u safartaan ama aad u socdaashaan Somalia” ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyadda Kenya, Eric Kiraithe oo u jawaabayey.

Sarkaalka Arrimaha Istaraatijiyadda iyo Dhaqaalaha ugu qaabilsan
Isbahaysiga Siyaasadeed ee NASA, David Ndii oo horey u sheegay inay Isbahaysiga NASA  aad ugu diyaar garoobeen Ficilo loo dhan yahay iyo inay u soo socdaali doonaan Somalia.

David Ndii waxa uu tilmaamay in Isbahaysiga NASA aad ugu diyaar garoobeen Ficilo Wadareed loo dhan yahay, wuxuuna ku hanjabay haddii aysan Doorashadda keenin Isbedel inay ku imaan doonaan xabbad.

Hoggaamiyaha Isbahaysiga NASA, Raila Odinga iyo kooxdiisa waxa ay Maxkamadda Sare ee Kenye u gudbiyeen Dacwad ay kaga soo horjeedaan inuu Uhuru Kenyatta ku guuleystay Doorashaddii Madaxtinimadda dalkaasi.

Guddiga Doorashadda ee dalkaasi ayaa horey u shaaciyey in Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta uu Hoggaamiyaha Isbahaysiga NASA, Raila Odinga kaga horreeyo in ka badan 14 million oo Cod.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment