2460 Views

Maxkamada Darajada koowaad ee Maamulka Galmudug oo Xukun riday

Maxkamada Darajada koowaad ee Maamulka Galmudug oo Xukun riday
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 26, 2017 – Xukun kaan oo ay Maanta riday Maxkamada Darajada koowaad ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa isugu jira Xabis iyo mid Ganax lacageed ah,kuwaas oo lagu riday ilaa 8 eedeysane.

Dadkaan la xukumay ayaa waxaa lagu eedeeyay falal ay ka mid ahaayeen in ay ka Ganacsan jireen waxyaabaha maanka dooriya iyo sidoo kale kuwo jidgooyooyin dhigtay wadada xiriirisa Galkacyo iyo cadaado,kuwaas oo Ciidamda Galmudug ay Gacanta ku soo dhigeen.

Kaaliyaha Maxakamada Darajada kowaad ee gobalka Mudug ee maamulka Galmudug Dr Maxamed Jaamac Diirshe,ayaa ku dhawaaqay Xukunka dadkaas iyo waliba dambiyada ay galeen.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciddii dacwo ka qabta xukunka maxkamada ay fursan u heysato mudo 30.Cisho Gudahood ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment