3108 Views

DEG–DEG:-Qarx Goordhow Ka Dhacay Muqdisho

DEG–DEG:-Qarx  Goordhow  Ka  Dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL |  August 27, 2017 –  TQarax gaari ayaa galabnimadan oo Axad ah waxa uu ka dhacay wadada Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho caasimadda Soomaaliya, gaar ahaan isgoyska Xaaji Baasto.

Jugta Qaraxa oo aheyd mid xoogan ayaa si weyn looga maqlay qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir.

Qaraxan oo ka dhashay Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa waxaa la sheegay in Ciidamada ammaanka ay qarxiyeen, maadaama markii horeba Ciidamada ay ka war heleen xogta gaarigan oo halkaasi la soo dhigay.

Ciidamada markii ay ka war heleen xogta gaariga ayaa waxa ay xireen wadada, shacabka ayayna halkaasi uga digeen in ay ka akdhowaadaan, iyaga sidoo kale hakiyay isu socodka gaadiidka, kadibna sidaasi ayay ku qarxiyeen gaariga.

Lama soo sheegin weli in Ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen ninkii waday gaariga iyo in kale, waxaa sidoo kale bur bur uu soo gaaray goobaha ganacsi ee halkaasi ku yaalla.

Inta la oghayay Qaraxaasi waxaa ku dhaawacantiro dhor qof, sida ay Qaranimonline u sheegeen dad goobjoogayaal ah, inkastoo khasaaraha uu intaasi ka badan karo.

Saraakiisha Gaadiidka deg dega ah ee Ambalaasta ayaa waxa ay sheegeen halkaasi in ay u direen qaar ka tirsan shaqaalahooda, si ay u soo qaadaan dadka ku waxyeelobay qaraxaasi, goobaha caafimaadkana ay u gaarsiiyaan.

Ciidamo kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa waxa ay gaareen goobta uu qaraxa ka dhacay, si ay u xaqiijiyaan ammaanka guud ee goobta uu qaraxa ka dhacay, iyo in ay sameeyaan baaritaano kale oo dheeraad ah.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment