3480 Views

Fanaanka Cabdi Tahiil oo loo qaadayo Caafimaad dibadda ah.

Fanaanka Cabdi Tahiil oo loo qaadayo Caafimaad dibadda ah.
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL |  August 27, 2017 –Fanaanka Cabdi Tahliil Warsame oo ah Fanaan qaran mudo badanna ku xanuunsanaa guri ku yaala Meel u dhaw Madaxtooyada Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horeysay la siiyay lacatii loogu qaadi lahaa Caafimaad Dibadda ah.

Wariye Cabdi Maalik Muuse “Coldoon” oo ah wariye ka shaqeeyo Arimaha samafalka ayaa lacag dhan $21,000 oo dibadda gaar ahaan India loogu qaado ka soo aruuriyay Dad badan oo Soomaaliyeed oo qurba joog ah.

Fanaanka Qaran Cabdi Tahliil ayaa sanado badan sariir saaran isagoo gabay dhamaan dhaq dhaqaaqii kadib Cuduro is biirsaday iyo Dayacaad qarankiisa kaga yimid.

Kulanka lacagta lagu siiyay ayaa waxaa ka qeyb Abwaan Cusmaan C/llaahi Guure oo ah Agaasimaha KNN Wariye Cabdi Maalik iyo Wasiirka Arimaha dhalinyarada iyo Ciyaaraha Qadiijo Maxamed Diiriye.

 

Xigasho KNN 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment