4428 Views

Sawiro:-Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Qaraxii Ka Dhacay Muqdisho

Sawiro:-Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Qaraxii Ka Dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL |  August 27, 2017 –Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa oo ku Qarxay ka soo horjeedka Hotelka Mubaarak oo u dhexeeya Tareebiyaano iyo Isgoyska KM-4 Ee Magaalada Muqdisho.

Gaariga Qarxay ayaa ahaa Saarif,waxaana la sheegay in la soo dhigay Goobta uu ku Qarxay,iyadoo inta uusan Qarxi laga shakiyay oo Dadkii ka Ag-dhawaa ay Ciidamada Xasilinta Muqdisho ka kala Eryeen.

Goobjoogeyaal ayaa Radio Kulmiye u sheegay in Gaarigu uu Qarxay,iyadoo Ciidamada Miino Baarista Qaabilsan ay doonayeen in ay Qarxiyaan,balse uu Qarxay inta aysan Howsha bilaabin.

Labo Qof oo Shacab ah ayaa la Xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen Qaraxa,kuwaas oo kala ahaa Nin Bajaajle ah iyo mid ka mida Ilaalada Hotelka Mubaarak.

Laamaha Ammaanka Soomaaliya weli wax Faah-faahin ah kama bixin Qaraxa,waxaana Dhowr Jeer Wadada Maka Al-mukarama oo ah Wado Mashquul badan ka dhacay Qaraxyo loo adeegsaday Gawaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa oo la dhigay Wadada.

 

q1 q3 q2 q4

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment