2598 Views

Soomaaligii geystay Weerarkii Brussels iyo Daacish oo sheegatay

Soomaaligii geystay Weerarkii Brussels iyo Daacish oo sheegatay
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL |  August 27, 2017 –Kooxda Xagjirka ah ee Daacish ayaa maanta oo Axad ah sheegatay weerarkii Jimcihii ka dhacay magaalada Brussels ee caasimada dalka Belguim.

Weerarkan ayuu geystay nin Soomaali ah oo lagu sheegay 30 sano jir, kaasi oo mindi ku weeraray ciidamada roondada ka haya bartamaha magaalada Brussels.

Booliiska ayaa toogtay ninkan isagoo ku dhawaaqaya (Allahu Akbar), wuxuuna habeenimadii Jimcaha u dhintay dhaawaciisa. Wuxuu sidoo kale sitay Quraan iyo bistoolad been ah, sida ay saraakiisha amniga sheegeen.

VVV

 

Ninkan ayaa la sheegay inuu qaxootinimo ku yimid dalka Belguim sanadkii 2004, wuxuuna in muddo ah sugayey in lasiiyo sharci degenaasho, wuxuuna sanadkii 2015 qaatay dhalashada dalkaasi.

Soomaaligan ayey Booliiska sheegeen inuusan horey ugu jirin dadka ay isha ku hayaan ee lala xariirinayo falalka argagaxisada, dadka yaqaanayna waxay sheegeen inuu ahaa qof caadi ah oo aan shido-badneyn sida ay sheegeen dadka deriska la ahaa.

Warbaahinta Daacish afkeeda ku hadasha ee Amaq ayaa maanta oo Axad ah sheegtay in ninkaasi uu kamid ahaa askartooda, waa siday hadalka u dhigeenee.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment