3168 Views

Weerarkii deegaanka Bariire oo sabab u noqday in golaha wasiirada laga joojiyo Isticmaalka Warbaahinta iyo Internet-ka.

Weerarkii deegaanka Bariire oo sabab u noqday in golaha wasiirada laga joojiyo Isticmaalka Warbaahinta iyo Internet-ka.
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL |  August 27, 2017 – Wasiiro ka tirsan Xukumadda Soomaaliya oo hadal iyo qoraal aan isku mid aheyn uga hadlay Falkii ka dhacay duleedka deegaanka Bariire ee gobalka Shabeelaha Hoose hadalkaas oo dhaawacay Guud ahaan Siyaasadda Soomaaliya iyo Kalsoonida ay Shacabka ku qabaan Dowladaaan dhalinyarada qurba joogta ah u badan ayaa wajahaya Cawaaqibkii ka dhashay hadalkooda waxaana hoos loo dhigay Madaxbanaanidooda Gaarka ah iyo tan guud ee Arimaha Siyaasadda Soomaaliya inta ay ka mid yihiin Golaha Wasiirada.

Go’aan ka soo baxay xafiiska Raysalwasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahadi Maxamed Guuleed, lana ogeysiiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Raysalwasaaraha ayaa amar lagu siiyey golaha wasiirada ay mamnuuc ka tahay in ay arrimo siyaasadeed u adeegsadaan baraha isku xirka bulshada sida Twitter iyo Facbook, Idaacadaha iyo Telefishanada, haddii aysan oggolaansho ka haysan xafiiska Raysalwasaaraha Soomaaliya.

Amarkan ayaa yimid kadib dhacdadii deegaanka Bariire ay ciidamada Dowladda ku dileen 10 qof, Shacab ah kuwaas oo ahaa Beeralay ay ku jireen caruur.

Si guud waxaa golaha Wasiirada amar loogu siiyey in aan loo isticmaali karin baraha bulshada ka hadlida arrimo xasaasi ah.

Amarka ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaare ku xigeenka ee Wasiirada looga Mamnuucay Isticmaalka Warbaahinta iyo Baraha Bulshada laguma qeexin waxa xasaasi ah iyo waxa aan ahayn Xasaasi.

Dhacdadii Deegaanka Bariire ayaa abuurtey khalkhal dhanka warbaahinta ah, kala hadal iyo weliba kala shakin, waxaa ka hadley ugu yaraan saddex Wasiir, Saraakiil ciidan Xafiiska Madaxweynaha iyo weliba Xildhibaano ka tirsan Labada Aqalka ee Baarlamaanka.

Faaf-reebka Dowladdu dhexdeeda isku soo rogtey ayaa muujin kara khal-khalka warbaahineed ee Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Kheyre,

Sidoo kale go’aankaan waxa uu fadeexad ku noqon karaa Dowladda waxaana uu muujinayaa khibrad darro iyo dayac warbixinada ay Faafiyaan Qaar ka mid ah Wasiirada.

Wasiirada Soomaaliya iyo Xubno kale oo ka tirsan Dowladda ayaa qaarkood aad u Isticmaala Baraha Bulshada gaar ahaan Facebook iyo Twitter waxayna qaarkood ka Isticmaal badan yihiin dadka aan shaqeynin.

Dadkii lagu laayey Deegaanka Bariire gobolka Shabeelada Hoose ayaa loo saarey guddi heer wasiiro ah oo baaritaan ku sameeya waxaana la siiyay mudo Shan maalmood oo kaliya Waxaana gudigaasi Maalinta arbacada ee todobaadkaan laga sugaya in ay warbixin ka keenaan falkii ka dhacay Bariire hadii aysan la mid ah noqon gudiyadii hore ee Dowladda looga bartay ee Natiijo la’aanta.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment