2292 Views

Xildhibaan ka hadlay Amarkii lagu soo rogay Wasiiradda

Xildhibaan  ka hadlay Amarkii lagu soo rogay Wasiiradda
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL |  August 27, 2017 – Xildhibaan Maxamuud Cilmi Abuukaate oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Qaranimo online ayaa sheegay in xildhibaanada Golaha Shacabka ay soo dhaweynayaan Amarkii Wasiiradda dowladda looga joojiyay in ay la hadleen Warbaahinta , iyagoo aan Fasax ka heysan Xafiiska Ra,iisul Wasaaraha .

Waxaa uu sheegay Xildhibaanka in ay tahay tilaabo wanaagsan oo horay loo qaaday.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in laga wanaagsanaa in warqad laga soo saaro Amarkaasi laakiin ay habooneyd  in kulanka golaha Wasiiradda loogu sheego Arintaasi.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Somaliya, ayaa markii ugu horeysay awaamiir kusoo rogay Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya, ka dib weerarkii Shacabka lagu laayay ee ka dhacay degaanka Bariire.

Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inaanan Golaha Wasiirada warar ku saabsan siyaasadda u adeegsan karin barraha bulshada iyo warbaahinta, intaba, iyagoo aan ogolaansho ka haysan Xafiiska Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment