2676 Views

1,000 Qof oo ku dhimatay Dhoobadii Sierra Leone

1,000 Qof oo ku dhimatay Dhoobadii Sierra Leone
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL |  August 28, 2017 – Ugu yaraan 1,000 Qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Dhoobo ka dhalatay Roob xoog leh oo ka da’ay duleedka Magaalada Freetown ee Xarunta Dalka Sierra Leone.

Shaqaalaha Gurmadka deg degga ah ayaa wali qaba tuhun la xiriira in ay dad badan maqanyihiin wali,waxaana socda baadi goob badan.

14kii Bishan ayey musiibadaas ka dhacday Dalka Sierra Leone,waxaana dowladda ay xilligaas sheegtay in 450 Qof ay dhimatay 600 kalena la la’yahay.

Hay’adda ka hortagga Musiibooyinka Dowladda Sierra Leone,ayaa sheegtay in hadda la aasayo 1,000 Qof oo ka mid ah Dadka ilaa hadda la xaqiijiyay magacyadooda iyo ehelkooda.

Dowladda ayaa wali wadda gurmadka intasta oo ay dhaleeceyn badan kala kulmeyso hay’adaha xuquuqda aadanaha,waxaana lagu eedeynayaa in dowladda ay falcelin gaaban ka bixisay musiibada dabiiciga ah ee ku dhufatay Dalka Sierra Leone.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment