4164 Views

28; Qof Oo Ku Dhimatay Dibadbax naadir ah Oo ka Dhacay Asmara

28; Qof Oo Ku Dhimatay Dibadbax naadir ah Oo ka Dhacay Asmara
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 02, 2017 —Ugu yaraan 28; Qof ayaa ku dhimatay Magaalada Asmara ee Caasimadda Dalka Eritrea kaddib markii Bulsho Muslimiin ah ay diideen in Dugsi ay leeyihiin dowladda la wareegto.

Laamaha amniga Asmara ayaa xiray 40 ka mid ah dadkaas,waxaana ay taas sababtay banaanbaxa xoog leh oo ay sameeyaan dadka Magaalada Asmara,kuwaas oo diiddan sida ay dowladda uga jawaabtay la wareegidda Iskuulka.

Ciidamada dowladda ayaa Rasaas nool uga jawaabay banaanbaxayaasha waxaana ay dhimashada mareysaa 28,halka dhaawaca marayo 100 Qof oo kale.

Safaaradda Mareykanka ee Asmara ayaa soo saartay digniin la xiriirta in muwaaddiniinta Mareykanka ay tagaan faras magaalaha,sidoo kalena ka fogaadaan goobaha rabshadaha ka jiraan.

Wasiirka Warfaafinta Eritrea Yemane Meskel,ayaa Twitter-kiisa ku sheegay in tiro yar oo banaanxayaal ah ay Iskuulka tageen islamarkaana Ciidamada amaanka kala ceyriyeen banaanbaxayaasha,waxaana uu meesha ka saaray Khasaaraha ay tabinayaan Xisbiyada Mucaaridka ah.

Ururka Xorriyadda Cafarta ee ADO,oo uu fadhigiisu yahay magaalada Adis ababa ee Dalka Itoobiya ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay si ula kac ah u laayeen Dad shacab ah oo banaanbaxayay.

Dalka Eritrea Muslimiinta Sunniga ah waxaa ay dadka dalkaas ka yihiin 50%,waxaana marka laga reebo Islaamka Sunniga ah dalkaas laga mamnuucay Ururrada dhinaca diinta ku shaqeysta,waxaana kaliya loo oggolyahay goobaha waxbarshada.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment