2493 Views

War muhiim ah oo ka soobaxay Wasarada Duulista Hawada Soomaaliya

War muhiim ah oo ka soobaxay Wasarada Duulista Hawada Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL |  August 28, 2017 – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in marka la gaaro dhamaadka Bisha October ee soo socota ay la wareegeysio Hawada Soomaaliya oo ay hadda maamusho Hay’adda Qaramada midoobey u qaabilsan maamulka Hawada ee ICOA.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Somaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad, ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah Hawada Soomaaliya ula wareegeyso Bisha October ee soo socota.

“Waxaa rajeynaynaa in hawada Soomaaliya marka ugu horreysay laga maamulidoono magaalada Muqdisho,  Duulista hawada marka horeba iyadoo aan aad u dhisneyn ayaa hadana dowladdii bur burtay, marka hadda waxaan u baahannahay, in aanu helno shaqaale tababar fiican leh, markii ay soo laabtaana ay ka qeybqaataan maamulka hawada Soomaaliya, sida aan qorsheynayno dhamaadka bisha October ayaa rajaynaynaa in ay bilaabato arrintaasi, balse way dhici kartaa dib u dhac oo maalmo ah, maadaama qalab badan la rakibayo.” Ayuu yiri Wasiirka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixineysa sidii ay ula wareegi lahayd maamulka Hawada Soomaaliya,waxaana ay Muqdisho ka dhistay Xarunta laga hagayo Hawada Soomaaliya.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment