3633 Views

Wareegto:- Wasaaradda Ganacsiga oo baabi’isay Rugta Ganacsiga Soomaaliya, doorashana qabaneysa

Wareegto:- Wasaaradda Ganacsiga oo baabi’isay Rugta Ganacsiga Soomaaliya, doorashana qabaneysa
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL |  August 28, 2017 – War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ayaa lagu baabi’iyay Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya .

Warqadda ka soo baxday Xafiiska Wasiirad Khadra Axmed Ducaale; ayaa lagu sheegay in iyada oo lagu dhaqmayo xeerka Ganacsiga ee 1985tii la isugu yeeray dhamaan Rugaha Ganacsiga Soomaaliyeed.

Sidoo kale Warqadda waxaa ay sheegeysaa in Amarkan lagu baabi’yay Rugta Ganacsiga Soomaaliya lagu wargeliyay dhamaan Madaxda Dowladda Soomaaliya,Maamul Goboleedyada iyo Rugaha Ganacsiga ee dalka.

Waxaa sidoo kale Qoraalka lagu sheegay in maamul KMG ah la sameynayo kaddibna loo diyaar garoobayo dhismaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed.

ww wwww

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment