2682 Views

Gudoomiyaha Gobalka Awdal oo shaqa joojin lagu sameeyey

Gudoomiyaha Gobalka Awdal oo shaqa joojin lagu sameeyey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  29 Agoosto 2017 – Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Somaliland C/Raxmaan Cabdillahi Ismaciil Saylici ayaa shaqada ka joojiyay Guddoomiyihii Gobolka Awdal kaddib markii lagu eedeeyay shaqo gudasho la’aan.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka sidoo kalena ah ku simaha Madaxweynaha Maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay in Guddoomiyaha Gobiolka Awdal uu xilkiisa gudan waayay oo ay dadka degaanka cabasho ka gudbiyeen.

Sidoo kale waxyaabaha lagu eedeeyay waxaa ka mid ah in uu ku mashquulay arrimaha dhurka oo lagu sheegay in ay leedahay Dowladda hoose,halka uu isaga faraha la galay.

Eeedaha kale ee shaqa joojinta Guddoomiyaha Awdal sababtay waxaa ka mid ah in uu xafiiska ka maqnaaday oo uusan shaqada gudan,waxaana wareegtada ka soo baxday xafiiska Saylici lagu amray in uu shaqada ku wareejiyo ku xigeenkiisa.

aaaa

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment