2553 Views

Sarkaal sarre oo katirsan Al Shabaab oo Jubaland isku soodhiibay

Sarkaal sarre oo katirsan Al Shabaab oo Jubaland isku soodhiibay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  29 Agoosto 2017 – Maamulka Gobolka Gedo ee Koofurta Dalka ayaa sheegay in maanta uu isu dhiibay Sargaal ka tirsanaa Xarakada AL-Shabaab gaar ahaan kuwa Gobolka Gedo.

Cabdi Barre Cabdi oo ah Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo Siyaasadda maamulka Gobolka Gedo ayaa u sheegay Qaranimo Online in ay maanta soo dhaweeyeen Sargaal katirsanaa Al-shabaab.

Ninka isu dhiibay maamulka Gobolka Gedo ayey magaciisa ku sheegeen Maxamed Yuusuf, waxaana ay ku sheegeen in uu ahaa guddoomiyaha degaanka  Ceel Gediid oo 50KM u jirta Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Cabdi Barre waxaa uu sheegay in Ninkaasi uusan wadan wax hub ah islamarkaana uu iyaga ku wargeliyay in uu doonayo in uu isku dhiibo sidaasna ay ku qaabileen.

Ma jiro war ka soo baxay dhanka Xarakada Al-shabaab oo la xiriira Sargaalka Maamulka Gedo ee dowladda Soomaaliya ay sheegeen in uu maanta isu dhiibay iyaga.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment