3183 Views

Shaqaalaha Dowladda oo fasax galay Munasabad Ciida Awgeed

Shaqaalaha Dowladda oo fasax galay Munasabad Ciida Awgeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  30  Agoosto 2017 – Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Dowladda Federalka Somaliya ayaa sheegtay Shaqaalaha Dowladda inay fasax yihiin muddo laba cisho ah oo ka bilaabanaysa maalinta Sabtida.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Xukuumadda Somaliya ayaa lagu wargeliyay Hay’addaha Dowladda in dhamaan shaqaalaha Dowladda ay fasax yihiin maalmaha Sabtida iyo Axadda Ciida awgeed.

Qoraalka ayaa lagu sheegay sidan “Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada waxay ku wargelinaysaa dhamaan Hay’addaha Xukuumadda Federaalka Somaliya iyo Hay’addaha gaarka loo leeyahay shaqaalahooda in ay tahay fasaxa Ciidda Carrafo maalmaha Sabtida iyo Axadda hadii Alle uu idmo, kuna aadan 2-3 Bisha September 2017.”

Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa fasaxa Shaqaalaha Dowladda u tiigsatay Qod.30aad, ee sharciga Shaqaalaha Dowladda.

Dadka Muslimiinta ayaa u diyaargaroobaya Ciidul Adxa oo ay inaga xigaan kaliya maalmo kooban.

Shaqaalaha u shaqeeya Dowladda ayaa la fasaxaa maalmaha farxada Ciida iyo maalmaha ay jiraan feestooyinka waaweyn ee Dowladda ay xusto.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment