2433 Views

Kenya oo sheegtay in Al-shabaab ay xalay weerareen saldhig Boolis

Kenya oo sheegtay in Al-shabaab ay xalay weerareen saldhig Boolis
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  30  Agoosto 2017 –  Dowladda Kenya ayaa Xarakada Al-shabaab ku eedeysay in ay xalay weerar ku qaadeen Saldhig Boolis,sidoo kalena gubeen Anteeno Isgaarsiineed oo degaankaas ku lahayd Sharikadda Safaricom.

Maxamuud Salax oo ah isku duwaha Amniga Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegay in saddex qeybood oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Magaalada Dhama,sidoo kalena ay gubeen 4 Gaari oo ay Booliska lahaayeen.

Meelaha kale ee ay gubeen waxaa ka mid ah Xarunta ay ku shiraan Maamulka Magaalada Dhama oo hoostagta Mandheera,waxaana uu intaas ku daray in weerarkaas kaliya ay Haweeneyn deris lahayd ku dhaawacantay.

Weerarkan waxaa uu yimid  Labo Maalmood kaddib markii weerar  lagu qaaday Ciidamo ka tirsan Kenya oo Marayay Waqooyi Bari laga dilay Labo Askari.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Askar ka badan 50 looga dilay Waqooyi Bari Kenya Saddexdii Bilood ee u dambeysay,weerarro u badnaa Miinooyinka Waddada la geliyo iyo weerarrada Jidgalka ah.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment