2526 Views

Maamulka Galmudug oo taageertay baabi’inta Rugta ganacsiga & Wershadaha Soomaaliya

Maamulka Galmudug oo taageertay baabi’inta Rugta ganacsiga & Wershadaha Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  30  Agoosto 2017 – Cabdi ladiif C/llaahi Warsame wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Galmudug oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Cadaado ayaa ugu horeyn soo dhaweeyey go’aankii wasiirka ganacsiyaga iyo warshadaha xukuumadda soomaaliya ay ka qaadatay rugta ganacsiga iyo warshada Soomaaliya.

Wasiir C/ladiif ayaa sheegay in muddo fog rugta ganacsiga iyo warshadaha ay maamulayeen shaqsigaad, isagoona sheegay in dowladda ay xubno ku leedahay rugta.

Wasiirku waa uu intaas raacyay in 100% ay soo dhaweynayaan tallaabadaasi, waxaana uu ku doodayaa in Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya aysan markii horeba ku dhisneyn sharci dowli ah.

Xoghayaha Rugta Ganacsiga Soomaaliya ayuu sheegay in sharciyan uu ka yimaado dhinaca dowladda gaar ahaan Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.

Wareegto ka soo baxday Xafiirka Wasiiradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ayaa lagu kala diray Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya waxaana ay Wasiiraddu sheegtay in doorasho xor iyo xalaal ah ay qabaneyso taas oo lagu soo dhisayo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.

 

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment