2469 Views

Shirka xal u raadinta qaxootiga oo maanta lagu soo xirayo Muqdisho

Shirka xal u raadinta qaxootiga oo maanta lagu soo xirayo Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  30  Agoosto 2017 – Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu soo xirayaa shirka xal waara u helidda Qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka dibaddiisa ka soo laabanaya iyo Barakacayaasha gudaha Soomaaliya.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR sidoo kalena marti gelisay Wasaaradda arrimaha gudaha,Federaalka iyo dib u heshiisiinta ayaa labadii maalin ee la soo dhaafay ka socday Magaalada Muqdisho.

Shirkan waxaa ka qeybgelayay Wakiillo ka socda Qaramada Midoobey,Hay’adaha Samafalka,Dowladda Soomaaliya iyo Ururrada Bulshada Rayidka ah.

Waxaa la filayaa in gaba gabada shirkan laga soo saaro war murtiyeed ku saabsan ujeedada shirka ee ahayd xal waara u helidda Qaxootiga soo laabanaya iyo barakacayaasha gudaha.

Waxaa la filayaa in uu maanta soo xiro Ra’islawasaaraaha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre,waxaana furitaankii shirkan furay Ra’isalwasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment