3687 Views

Wasiirka Waxbarashada oo magacaabay agaasimaha guud ee Wasaaradda

Wasiirka Waxbarashada oo magacaabay agaasimaha guud ee Wasaaradda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  30  Agoosto 2017 – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya  Cabdi Daahir Cismaan,ayaa magacaabay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada,Hiddaha  iyo Tacliinta Sare.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Waxbarashada ayaa xilka Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada,Hiddaha iyo Tacliinta sare loogu magacaabay Xasan Maxamed Cali oo loo yaqaano TATA.

TATA,waxaa uu horay u ahaa lataliyaha Wasiirka waxbarashada waxaana hadda loo magacaabay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada,Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya.

Qoraal la soo dhiga Bogga Wasaaaradda ayaa lagu sheegay in Magacaabidda xilka Agaasimaha guud ay timid kaddib markii Madaxda Wasaaraddu isla garteen in la hormariyo waxbarashada dalka.

Xilkan waxaa laga qaaday Agaasimihii hore ee Wasaaradda Waxbarashada,Hiddaha iyo tacliinta Sare Ismaciil Yuusuf Cismaan.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment