3051 Views

Xildhibaan Maanta Aas Qaran Loogu Sameeyey Jowhar

Xildhibaan Maanta Aas Qaran Loogu Sameeyey Jowhar
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  23  August 2017 — Waxaa saaka  Aas Qaran loogu sameeyay Magaalada Jowhar Allaha u naxariistee Marxuum Aadan Macalin Cali oo kamid ahaa Xildhibaanada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Marxuumka ayaa geeriyooday xalay fiidkii ka dib markuu wadnaha istaagay, Waxaana Ka qeybgalay Aaska Xildhibaanka Madaxweynaha Kmg ahna Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Md Cali Guudlaawe Xuseen, Gudoomiye Ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka, Wasiiro iyo Xildhibaanada Hirshabeelle.

Dhamaan dadkii goobta isugu yimid Waxay allaah uga baryeen Inuu naxariistiisa janno siiyo marxuumka oo ahaa shaqsi jecel hormarka Bulshada.

Xildhibaanka da’diisa waxay aheyd 55-sano jir, wuxuuna hore u soo noqday guddoomiye kuxigeenkii 1aad ee Gobolka Hiiraan, isagoona ka mid ahaa xildhibaanada laga soo doortay Gobolka Hiiraan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment