3639 Views

Kulanka Maqal dadkaaga, Xukuumadda FS & Warbaahinta

Kulanka Maqal dadkaaga, Xukuumadda FS & Warbaahinta
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 31  2017 – Maqal dadkaaga oo ciwaan looga dhigay kulan u dhexeeyey xukuumadda FS; iyo Warbaahinta Qaranka iyo tan shisheeye  ee ka howlgasha Muqdisho ayaa ka dhacay madaxtooyada Soomaaliya, waxa joogay Raisalwasaaraha, xubno kamid ah golaha xukuumadda oo uu ku jiray Taliyana hay’adda nabad sugidda iyo shaqaalaha xafiiska Raisalwasaaraha.

Waxa uu ahaa  kulan magac ahaan qiimo u leh furfurnaanta iyo in habayaraatee ay warbaahintu ku hesho fursad ay madaxda wax ku weydiiso.

Aad ayuu xiiso ugu lahaa dadweynaha,  daawashadiisa iyo dhexeysigiisa oo idaacadaha qaarkood ay baahinayeen,  waxa uu xukuumadda u ahaa isbandhig ay  ku dooneyso bal in ay xal kmg ah u hesho xanta iyo ceebta ka dhalatay sida ay u la falgashay dhacdooyin waaweyn oo ay la kulantay muddada kooban ee ay jirto, Warbaahinta iyo dadweynahana waxa uu u noqday meel ay naqaska iyo guuxa gudaha ku sheegaan oo ay ugu yaraan ku helaan xoogaa nefis ah, kaas oo lagayaabo in uu xaalka dejiyo.

Su’aalaha la weydiinayo wasiirrada waxa ay shaqaalaha xafiiska raisalwasaaruhu isku dayeen illaa xad in ay tifaftiraan, oo aan la weydiin madaxda su’aalaha xajiinta leh ee ay adag tahay in jawaab fagaare loo helo, balse isku daygaasi uma shaqeyn sidii la filayey.

Tusaale ahaan Su’aal ku saabsanayd  waxa ka jira in xukuumadda FS ay C/kariin Sheekh Muuse; oo ka tirsan ONLF; ahna muwaadin Soomaali ah ay u gacan gelisay Itoobiya, uuna weydiiyey Jaamac Maxamuud; oo ka tirsan telefeshinka Aljasiira ayaa waxa jawaabteedii hor istaagay taliyaha nabad sugidda oo sheegey in ay tahay su’aal xasaasi ah oo mudan in jawaabteeda lala sugo waqtigeeda.

C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe; waxa uu yiri markii uu a hadlayey su’aashaasArrinka la xiriira sargaalka la sheegay in uu ONLF; yahay ee dowladdu wareejisay,  een sida aad la socotaanba arrinkaasi waa arrin xasaasi ah, oo ay tahay waqtigeeda iyo goobteeda in looga jawaabo, een anigoo afduubayaa  dowladda! Waxa aan jeclaan lahaa in aan halkan looga jawaabin

Su’aal kale oo ku saabsanayd weerarkii ay ku dhinteen 10; qof oo carruur kuu jiraan meydadkoodana maanta lagu aasay Muqdisho ayuu raisalwasaare Kheyre ka bixiyey jawaab u muuqatay mid aan ku habbooneyn qofka walaalki ama waalidkii ku dhintay weerarkaas, isaga oo isgarabdhig ku sameeyey dadka ku dhinta weerarada ka dhacay Muqdisho iyo kuwan faraqa u dhexeeya, taas oo baraha bulshada ka dhalisya dood kale.

Maxay ka faa’iidday xukuumaddu?

Xukuumadda FS; oo isu aragta in ay tahay xukuumad shacab, balse ah xukuumad golaha shacabka Baarlamaanku siiyey kalsoonida iyo sharciyadda ay ku dhisan tahay xukuumaddu waxa ay dareentay in uu jiro hoos dhac ku soo socda taageerada dadweynaha, kaas oo lagayaabo in aanay aqoon inta la eg tahay qiyaastiisu, sidaas awgeed isbandhigga iyo muujinta furfurnaan caynkan ah waxa ay hawo cusub siin kartaa xukuumadda oo tusaale 2; bilood ee u dambeysay la kulantay dhalleeceyn ka dhalatay sida ay ula jaanqaadday dhacdooyinka maalinlaha ahaa iyo kuwa aan la sii qorsheyn ee ay soo martay.

La tacaalidda arrimaha ammaanka oo ay ku lug yeeshaan mararka qaarkood waddamo shisheeye iyo la macaamilka dowlado ay Itoobiya, Masar iyo Kenya kamid yihiin waxa ka dhashay natiijooyin ay qaarkood yihiin wax ku ool, balse waxa dabasocda kuwo kale oo maanta aan dadweynuhu u hayn dulqaad iyo faham,sidaas awgeed waxa hoos u dhacaya hanka iyo rajada wixii laga sugayey xukuumaddii intii ay ku jirtay ololaha, kuwaas oo markii ay ficil u rogtay ay muuqato in waxqabadka iyo warku ay kala duwan yihiin.

Warbaabhintu maxay ka faa’iidey?

Fursad weyn oo u fiican ayay warbaahinta u ahayd in ay hor fariisato xubno ku jira laanta fulinta, oo ah hay’ad ay shaqadeedu tahay in wixii madaxweynuhu ku ololeeyey ay u rogto ficil iyo wax muuqada oo ay muwaadiniintu taaban karaan, su’aalihii la weydiiyey raisalwasaaraha iyo taliyaha  hay’adda nabad suguddu waxa ay intooda badan ahayeen kuwo ka turjumaya dareenka dadweynaha, si gaar ah doodaha Warbaahinta bulshada (Social media).

Tusaale ahaan ciidanka xasilinta loo bixiyey waxa ay dadweynaha wata gaadiidka yaryar ee maraya waddooyinka weydiiyaan in ay haystaan aqoonsi dowladeed, taasina waxa ay muwaadiniin badan ka dhaadhicisay in waddooyinka uu keli ah ay mari karaan shaqaalaha dowladdu, su’aal laga weydiiyey arrintaas taliyaha nabadsugiddu waxa uu yiri:

gaaaas

Waxa aan jeclaan lahaa in aan ka jawaabo arrinka ah ciidamada xasilinta oo weydiiya Teersarayaal, arrinkaas annaga nafteena ayaan isweydiinay, siyaasad dowladeedna ma aha ee wax iska yimid, haddii Illaaheey yiraahdana waa saxeynaa, in ay Qalad tahayna annagaba waa noo muuqtaa, laakiin sida ugu dhaqsiyaha badan ayaan u saxeynaa

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment