3261 Views

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Daah furey mashruuc lagu horumarinayo adeegyada Caafimaadka

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Daah furey mashruuc lagu horumarinayo adeegyada Caafimaadka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 31  2017 – Madaxweyne ku-xigeenka Dawladd Goboleedka  Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey ayaa magaalada Garoowe ka Daah-furay gelinkii dambe ee Arbacadii, mashruuca xoojinta caafimaadka Puntland ee 2017-2019, kaasi oo uu maalgeliyey Banggiga horumarinta Jamarlka.

Daahfurka Mashruucani ballaaran waxaa madaxweyne ku-xigeenka ku weheliyay mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha dawladd Goboleedka  Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda Puntland, wefti uu hogaaminayo safiir ku-xigeenka  dalka Jarmalka u fadhiga Soomaaliya Mr. Markus Bollmohr iyo hay’addaha hawl-waddeenka la ah Wasaaradda Caafimaadka Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixxakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa faah faahiyay muhiimadda mashruucani.

“Mashruucani wuxuu yahay mid wax weyn ka taridoona hawlaha horumarineed ee caafimaadka Puntland, wuxuu isugu jira howlo caafimaad iyo dhismaha xarumo caafimaad oo laga hirgeliyo labada Gobo lee Nugaal iyo Mudug sida in Garowe iyo Gaalkacyo laga dhisidoono xarumo caafimaad”, Ayuu yiri Mudane Camey.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in dib u habayn iyo dayactir lagu samayn doono 20 MCH iyo daboolidda hawlaha caafimaad ee aasaasiga ah ee labada gobol ee Nugaal iyo Mudug oo iyana kamidda qorshe yaasha lagaga faa’iidaysanayo mashruucani horumarinta caafimaadka Puntland ee 2017 -2019.

f1  f3 f4

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment