4695 Views

ONLF oo xaqiisiyay in Dowladda Somaliya ay Itoobiya ku wareejisay Qalbi Dhagax.

ONLF oo xaqiisiyay in Dowladda Somaliya ay Itoobiya ku wareejisay Qalbi Dhagax.
____________________________________________________________________________

QMuqdisho | QOL | August 31  2017 –oraal ka soo baxay Jabhada ONLF ee ka dagaalanta ismaamulka Somailda Itoobiya ayaa lagu soo bandhigay xogta ku aadan ugacan gelinta Itoobiya Mid kamid ah Saraakiishooda.

Warbixin maanta lagu daabacay websiteka Jabhada ONLF ee onlf.org ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysnaa 23-Kii bishan  Ciidamada Galmudug ay ku soo qabteen C/kariin Sheekh Muuse ( Qalbi Dhagax) oo daganaa sadexdii sano ee udanbeysa Magaalada Muqdisho, balse xiligaas ku sugnaa Magaalada Gaalkacyo.

ONLF Waxa ay sheegtay in Todobaadkii tagat Qalbi Dhagax laga soo dajiyay Magaalada Muqdisho kadibna lagu wareejiyay Dowladda Itoobiya oo si aad ah udoon dooneysay Sarkaalkan xubinta sare ka hayay Jabhadooda.

Waxa ay sheegeen in C/kariin qoyskiisa ay baabi’iyeen Wax ay ku sheegeen Ciidamada Itoobiya ee gumeysiga ku haya Shacabka ku nool Dowlad Deegaanka Somaldia Itoobiya.

ONLF ayaa sheegtay in Wasiiro katirsan Xukuumada Somaliya ay isku dayeen iney ka hor istaagaan Dowladda Itoobiya in Ninkan lagu wareejiyo balse Madaxda Dowladda Dhexe aya aarinkaas ka diiday.

Si awood leh ayey tilmaameen dowladda dhexe ay Sarkaalkaas ugu wareejisay Dowladda Itoobiya waxeyna sheegeen in haatan la geeyay meel si bini’aadanimada ka baxsan Maxaabiista lagula dhaqmo oo jirdil xooganna loogu geysto iyadoo fiilooin Koronto leh lagu qabanayo.

Safiirka Itoobiya ee Somaliya ayey sheegeen inuu door muhiim ah ka ciyaaray dhiibitaanka Sarkaalkan, waxa ay Safiirka ku sheegeen inuu qaraabo dhaw la yahay Ra’iisul wasaaraha Somaliya Xasan Cali Kheyre ayna xididyihiin Madaxweynaha Somaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment