3177 Views

Wasiir Cabdi Xoosh oo wareysi siiyay Warbaahinta Qaranka

Wasiir Cabdi Xoosh oo wareysi siiyay Warbaahinta Qaranka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 31, 2017 – Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa Telefishinka Qaranka iyo Radio Muqdisho siiyay wareysi dhinacyo badan taabanayay oo ku saabsanaa waxqabadka Wasaaradda ee afartii bil ee la soo dhaafay, isaga oo ka jawaabay su’aallo ay weydiiyeen dadka Soomaaliyeed.

AVV Xoosh ayaa ugu horeeyn ka warbixiyay waxqabadka Wasaaradda isaga oo sheegay in hawl badan la qabtay.

“Ugu horeeyn markii aan Wasaaradda la wareegnay waxa aan go’aansanay inaan Dastuurka dhameeystirno, kadib waxaan u baahanay inaan Qorshe sameeysano inaga oo ka talagelinayna qaybaha kala duwan ee bulshada, waxa aan la kulannay Wasiirada dawlad goboleedyada ee aan shaqo wadaaga nahay oo aan qaarkood ugu tagnay caasimadaha dawlad goboleedyada. Hadaba intaa kadib ayaan Qorshe sameeysanay waxa aana u gudbinay Ra’iisul Wasaaraha, waxa aana qaban-qaabineynaa shirweyne Qaran oo aan October qabaneyno si loogu ansixiyo Qorshaha Guud” ayuu yiri Wasiirka.

Dhanka kale, Wasiirka oo su’aal ahayd sida loo tixgelinayo rabitaanka dawlad goboleedyada ee ku aadan dib-u-eegista Dastuurka uga jawaabayay Dhageyste Axmed la yiraahdo oo Hargeysa Joogay ayaa yiri “Nidaamka aan qaadanay waa Federal, marnaba ma dhaceyso in Wasaaradda keligeed ay wax iska sameeyso, laakiin waxaan geleynaa sanad wadahadal ah oo aan ku kala cadeeyn doonno summadaha Federalka ee aan ku dhaqmi doonno; D/Goboleedyada door wayn ayey kulahaan doonaan dib-u-eegista Dastuurka”.

Ugu dambayn, Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaradda ay ka go’antahay sameeynta wadatashiyo badan iyo xaqiijinta ka qaybgal loo dhanyahay si dastuurka loogu dhameeystiro labo sanno gudahood.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment