4707 Views

Xaaji 9,000km u soo lugeeyay Xajka oo maanta jooga Carafa

Xaaji 9,000km u soo lugeeyay Xajka oo maanta jooga Carafa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 31  2017 – Mochammad Khamim Setiawan; waa 28 jir u dhashay Dalka Indonesia ,waxaa uu Lug ku tagay Maka,waxaana uu ka mid yahay Xujeyda Sanadkan gudanaya Waajibka Xajka.

Waxaa uu lug ka soo billaabaya Magaalada Java ee bartamaha Dalka Indonesia oo uu ka soo jeedo,safarkaas waxaa uu soo billaabay 26kii August 2016kii,waxaana uu Safarkaas ku qaatay Sanad.

Waxaa uu lugeeynayay 9,000KM oo u dhaxeysa Java iyo Maka,Sanad ayeyna ku qaadatay in uu gaaro Xajka,waxaa uu Sanadkaas soo maray Dalalka kala ah; Indonesia, Malaysia, Thailand, Myanmar (Burma), India, Pakistan, Oman, UAE iyo ugu dambeyntii  Saudi Arabia

Dhacdooyinka Sanadkan laga diiwaanegliyay Xajka waxaa ka mid ah Nin u dhashay Dalka Ghana oo Diyaarad ay Filim ku duubayeen TV-ga Turkiga TRT ku duldhacday Gurigiisa markii ay u tageenna weydiiyay in Diyaaraddaas yar uu Xajka ku tagi karo.

Kaddibna mid ka mid ah Wariyayaashii TRT ayaa Twitter-kiisa ku qoray sheekada iyo Sawirka Odayga,taas oo sababtay in Wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga heshay sidaasna ugu damaanad qaadday oo uu sidaas ku xajinayo Sanadkan.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment