2385 Views

Cajiib :-Nin cinwaankiisa Twitterka looga xirtay Kaneeco uu dilay darteed

Cajiib :-Nin cinwaankiisa Twitterka looga xirtay Kaneeco uu dilay darteed
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September  2, 2017 – Nin ka mid ah dadka isticmaala barta Twitter ee dalka Japan ayaa laga mamnuucay in uu isticmaalo bartani bulshada ka dib markii uu ku hanjabay in uu dilayo kaneeco.

Qofka oo waxyaabo aflagaado ah ku soo qora barta Twitter ayaa mararka qaar laga mamnuucaa isticmaalka bartaasi.

Balse go’aanka xannibida cinwaanka @nemuismywife looga xannibay in uu kaneeco u hanjabay ayaa soo jiidatay dad badan oo isticmaala baraha bulshada.

Arrintan ayaa bilaabatay 20 August ka dib markii ay dhowr jeer qaniintay Kaneeco isaga oo daawanayay talefishan .

Markii uu dilay kaneecadii ayaa waxa uu bartiisa Twitterka ku soo qoray “Halkeed ula baxsanaysaa qaniiyadeyda aniga oo iska nasanaya oo TV-ga iska daawanaya ? dhimo! (xaqiiqadiina mar hore ayaad ba dhimatay).”

Ninkan ayaa hadalkaasi soo raaciyay sawirka Kaneecadii uu dilay.

Qoraalkaasi ka dib ayaa waxa uu fariin ka helay shirkada Twitter oo u sheegtay in cinwaankiisa la xannibay islamarkana aan dib loogu furi doonin.

Ninkan ayaa furtay imika cinwaan cusub oo ah , @DaydreamMatcha, waxa uuna canbaareeyay go’aanka shirkada Twitter.

Waxa uu soo qoray “Cinwaankaydii hore ayaa la xannibay ka dib markii aan iri waxa aan dilay Kaneeco.taasi ma jabin sharci baa ?

Fariintiisada carada wadata ee uu soo dhigay bartiisa Twitter ayaa waxa la sii baahiyay in ka badan 31,000 waxaana ka heshay 27,000 oo ah dadka isticmaala barta Twitter.

Shirkada Twitter ayaa dhawaan xariga ka jartay tillaabooyiin dhowr ah oo cusub taasi oo ay uga gol leedahay in ay ku xakamayso aflagaadada baraha bulshada iyo dhibaatooyiinka la gaysto iyada oo loo sii marayo barta shirkada.

 

 

XIGASHO BBC

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment