3249 Views

Al-Shabaab oo Sheegtay iney ku dileen 26 askari Weerarkii Buula gaduud.

Al-Shabaab oo Sheegtay iney ku dileen 26 askari Weerarkii Buula gaduud.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September  3, 2017 –Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay inay dileen in ka badan 26 askari  oo ka tirsan ciidamada Jubbaland iyo kuwa Xoogga dalka Somaliya, kadib dagaalkii culsaa ee saaka aroortii ay ku qaadeen Xerada ciidamada Buulo gaduud ee duleedka Kismaayo.

War ka soo baxay Al Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay inay dileen 26 askari ka badan, khasaaraha dhimashadana ay suuragal tahay inay intaasi ka sii badan karaan.

Afhayeenka Ururka Al Shabaab C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay Wakaalada Wararka AP, waxa uu sheegay ciidamada Shabaab inay xaqiijiyeen dhimashada in ka badan 26 askari.

Wuxuu sheegay ciidanka ugu badan in lagu laayay qaraxa Ismiidaaminta ah ee uu fuliyay ruux ka tirsanaa Al Shabaab, kaasi oo kaxeynaayay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Sidoo kale Shabaab ayaa sheegtay kolonyo gaadiid gurmad ah oo ka soo baxay Magaalada Kismaayo qaraxyo inay kula eegteen deegaanka Qaamqaam ee duleedka Magaalada Kismaayo.

Shabaab ayaa sheegay qaraxyadaasi ay la eegteen gaadiidka inuu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo gaaray ciidamada Jubbaland ee gurmadka u sii ordaayay.

Illaa hadda ma cadda khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ah ee ciidamada Jubbaland ka soo gaaray dagaalka, marka laga soo tago sheegashada Shabaabka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment