2895 Views

Nin Bajaajle lagu dilay Bartamaha Magaalada Garoowe.

Nin Bajaajle lagu dilay Bartamaha Magaalada Garoowe.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September  3, 2017 Wararka ka imaanaya Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, ayaa sheegaya in fiidnimadii xalay magaaladaasi lagu dilay nin darawal ka ahaa mooto bajaaj.

Ninkan oo nin dhalinyaro ahaa, ayaa waxaa toorey ku dilay nin kaloo isna dhalinyaro ahaa, iyadoo aan xog rasmi ahi laga hayn waxa keenay dilkaasi.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in labadan nin oo ka mid ahaa dhalinta deegaanka, ay xurguf u dhaxeysay maalmihii la soo dhaafay, taasoo loo maleynayo midda gacan ku dhiiglaha ku riixday in uu wax dilo.

Wariye-yaasha Magaalada Garoowe, ayaa soo sheegaya in marxuumku uu u geeriyooday dhaawacyo ka soo gaaray tooreydii lagu dhuftay.

Sidoo kale waxay Wariye-yaashu soo sheegayan in ciidamada ammaanku ay gaareen halkii uu falku ku dhacay, balse aanay u suurtagelin inay gacanta ku soo dhigaan dembiilaha.

Ilo wareedyo, ayaa sheegaya in ciidamada amnigu ay Magaalada Garoowe ka wadaan baaritaano, ay ku doonayaan inay cadaaladda ku horkeenaan ninkii wax dilay.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment