2835 Views

Sheeko taleefoonka ku dhexmartay Af-hayeenka Baarlamanka Hirshabelle iyo Cali Cosoble

Sheeko taleefoonka ku dhexmartay Af-hayeenka Baarlamanka Hirshabelle iyo Cali Cosoble
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September  3, 2017 –Horraantii bishii Agusto xubno katirsan Baarlamaanka Hirshabeelle waxa ay sheegeen in ay kalsoonidii kala noqdeen islamarkaana ay shaqada ka eryeen madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble, kadib codeyn muran badan ka dhashay oo aaqirkii sababtay in xukuumadda dhexe ee Soomaaliya ay farageliso kadibna ay ku dhawaaqdo in ay taageersan tahay go’aanka baarlamaanka Hirshabeelle, iyada oo wasaaradda arrimaha guduhu ee XF amartay qabashada doorashada madaxweynaha Hirshabelle.

1

sida muuqata Cali Cabdullaahi Cosoble; ayaa la soo xiriiraya Cismaan Barre, kadibna iswareysi iyo kaftan kadib waxa ay gelayaan sheekosoconeysa in ku dhow nus saac, taas oo ay ku jiraan wax badan oo ku saabsan sida ay u dhacday xil ka qaadista Cali Cosoble, kaalinta xukuumadda dhexe iyo doorka xildhibaano federaalku ay ku lahaayeen in la hindiso mooshin ka dhan ah Cosoble lana meel mariyo

2

Haddaba Mustaqbal Radio; ayaa arkay Sheeko lagu duubay softiga All Call Recorder; oo kamid ah aaladaha lagu duubo codka ee loo adeegsado Mobile-ka, kaas oo ku saabsan sheeko dhexmartay guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle iyo madaxweynaha ay Baarlamaanka kalsoonid kala noqdeen ee Hirshabeele Cali Cabdullaahi Cosoble; warbixinta soosocota ayaa soo koobeysa nuxurka sheekada dhexmarya labada mas’uul.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment