3006 Views

Masar oo ka hadashay weerarkii Buulo Guduud

Masar oo ka hadashay weerarkii Buulo Guduud
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September  4, 2017 – War kasoo baxay Dowladda Masar ayaa lagu cambaareeyey weerarkii Xarakada Al-Shabaab ay ku qaatay Deegaanka Xero Ciidan oo ku taala Deegaanka Buula Gaduud ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dowladda Masar ayaa sheegtay in ay cambaareeneyso weerarkaasi oo ay Al-Shabaab sheegeen in ay ku dileen in kabadan 26-askari oo katirsan ciidamada Dowladda oo xirada ku sugnaa, wasaaradda arrimaha dibadda Masar oo bayaankaan kasoo baxay waxay ku sheegeen in ay cambaareenayaan weerarkaasi.

Wasaaradda ayaa intaa kusii dartay in Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ka taageereyso dhanka amaanka iyo la dagaalanka Al-Shabaab sida ay hadalka u dhigtay.

“Waxaan Cambaareeneynaa weerarkii argagixiso ee lagu dilay Ciidamo katirsan Dowladda soomaaliya, shacab iyo xukuumadba waxaan garab taaganahay walaalaheen Soomaaliyeed, waxaana Dowladda la garab taaganahay in aan ka taageerno la dagaalanka dadka geysanaya falkaan oo kale” ayaa lagu yiri warka wasaaradda arrimaha dibadda Masar kasoo baxay.

Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa heshiis ku kala saxiixday magaalada Qaahira kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya Max’ed C/llaahi Max’ed Farmaajo iyo C/Fitaax Al-siisii oo ah madaxweynaha Masar ay ku kulmeen Magaaladaasi.

Sidoo kalane isku afgarteen in ay kordhiyaan xiriirka labada dal, iyo in masar ay ka kaalmeyso Soomaaliya dhinacyada, Siyaasadda, dhaqaalaha, iyo Hormarinta Beeraha.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment