2778 Views

Puntland oo sheegtay in ay qabatay dadkii hagayay weerarkii Af-Urur

Puntland oo sheegtay in ay qabatay dadkii hagayay weerarkii Af-Urur
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September  4, 2017 – Taliyaha ciidanka madaxtooyada Puntland, gaashaanle dhexe Cabdirashiid Cabdirahim Ismaciil ayaa sheegay in wax ka yar 48;  saac ay Puntland gacanta ku dhigtay shakhsiyaadkii hagayay iyo kuwii rakibay qaraxyadii maalintii Ciidda lala beegsaday dad shacab ah iyo ciidamo katirsan Puntland oo ku sugaa tuulada Af-urur.

Qaraxyadaan oo ahaa kuwo lagusoo diyaariyay goob meherad Ganacsi ah, ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac badan, kuwaas oo isugu jira shacab iyo ciidan.

Taliyuhu wuxuu sheegay dadkaan la qabtay in ay isugu jiraan Rag iyo Dumar, macluumaad kale oo intaan kasii badan ma uusan sheegin, sida aan kasoo xiganayay qoraal uu ku faafiyay baraha bulshada (Facebook).

8-ddii June Sanadkan Askar ka badan 67 Askari ayaa Puntland uga dhimatay kaddib markii Weerar lagu qaaday Saldhigga Af-Urur oo ciddii ay qaraxyada ka dhaceen,waxaana weerarkaas sheegtay Xarakada Al-shabaab.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment