3114 Views

R/wasaaraha Kheyre Oo Maanta Kormeeray Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska

R/wasaaraha Kheyre Oo Maanta Kormeeray Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September  4, 2017 — Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer shaqo ku yimid Xarunta Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kulamo la qaatay masuuliyiinta Wasaaradda, uu ugu horeeyo Wasiirka warfaafinta Mudane Cabdi raxmaan Cumar Cismaan Eng: Yariisow ku xigeenka C/raxmaan Iidan Yoonis iyo qaar kamid ah Agaasimahaasha Waaxyaha ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Eng, Cabdiraxmaan Cumar  Cismaan Yariisow ayaa warbixin ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha hawlaha ka socda Wasaaradda, Waaxyaha kala duwan sida ay u shaqeynayaan iyo dowr ka Wacyi galinta ee Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa aad u amaanay hawlaha ka socda Wasaaradda Warfaafinta, isagoona bogadiyay in la sii dardar galiyo Wacyi galinta bulshada, Mudane Xasan Cali Kahyre ayaa sheegay in Xukuumadda ay si weyn u garab taagan tahay Warbaahinta Dowladda oo kaalin muhiim  ah ka qaadaneysa Horumarka Dalka.

Ugu dambeyn Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale kormeer ku tagay Wasaaradda Haweenka & Horumarinta Xaquuqul Insaanka oo xarunteeda ay ku dhex taalo Wasaaradda Warfaafinta, wuxuuna warbixin ku saabsan sida ay u socdaan howlaha Wasaardaasi ka dhageystay Wasiirka Haweenka, Marwo Deeqa Yaasiin, Raiisul Wasaaraha ayaa ku booriyay mas’uuliyiinta iyo shaqaaalaha Wasaaradahan in ay sii xoojiyaan howlaha ay u hayaan bulshada.

001 0002  0003 0004 0005 0006 0007 007 0010 000011  112 999

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment