2706 Views

Saraakiil Boolis oo Kenya looga dilay Koofurta Mombasa

Saraakiil Boolis oo Kenya looga dilay Koofurta Mombasa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September  4, 2017 – Labo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Booliska Kenya ayaa lagu dilay Magaalada ku taalla Gobolka Xeebta ah ee Mombasa,kaddib markii Rag hubeysan ay weerar ku qaadeen Kaniisad ka akdhoweyd Saldhig Boolis.

4; Qof oo Hubeysan islamarkaana watay Mooto ayaa la xaqiijiyay in ay weerar ku qaadeen  Saldhig Boolis oo u dhow Kaniisad ku taalla Magaalada Ukunda oo Koofur kaga beegan Mombasa.

Taliyaha Booliska Gobolka Xeebta ah ee Mombasa Larry Kiyeng,ayaa sheegay in Labo Boolis ah oo ilaalinayay Kaniisadda degaanka Ukunda ay dhinteen kaddib markii Raggaasi ay weerareen.

Ragga weerarka geystay ayaa  ka baxdsaday goobta kaddib markii ay toogteen Labada Sarkaal,waxaana ay horay u qaateen Qoryihii ay wateen Askarta Booliska ah.

Ma jirto ilaa hadda cid sheegatay Mas’uuliyadda weerarka ka dhacay Magaalada Ukunda ee lagu dilay Saraakiisha Booliska ah ee Dalka Kenya,waxaase Saraakiisha Amaanka Kenya ay sheegayaan in ay tuhmayaan Al-shabaab oo sanadihii la soo dhaafay weerarro ka waday Dalka Kenya.

Dowladda Kenya ayaa Bishii August ee la soo dhaafay sheegtay in Askar ka badan 50 uga dhinteen weerarrada Al-shabaab ka fulinayeen Gobolka Soomaalida iyo dhanka Xeebta ah ee ay Mombasa u weyn tahay.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment